Samuu'eel Kowaad - 8

picture

1 O o markii Samuu'eel gaboobay ayuu wiilashiisii xaakinno uga dhigay reer binu Israa'iil.

2 O o wiilkiisa curadka ahaa magiciisu wuxuu ahaa Yoo'eel, wiilkiisii labaadna magiciisu wuxuu ahaa Abiiyaah; oo waxay xaakinno ka ahaayeen Bi'ir Shebac.

3 O o wiilashiisiina kuma ay socon jidadkiisii, laakiinse waxay u leexdeen si ay faa'iido u helaan, oo intay laaluush qaateen ayay gartii qalloociyeen.

4 M arkaasaa odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu isa soo urursadeen, oo Samuu'eel ugu yimaadeen Raamaah;

5 o o waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, waad gabowday, oo wiilashaaduna kuma socdaan jidadkaagii; haddaba noo yeel boqor na xukuma sida quruumaha kale oo dhan.

6 L aakiinse waxaasu Samuu'eel way la xumaayeen, markii ay ku yidhaahdeen, Na sii boqor na xukuma. Markaasaa Samuu'eel Rabbiga baryay.

7 O o Rabbiguna wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Bal dhegayso codka dadka iyo kulli waxa ay ku leeyihiin oo dhan, waayo, adiga kuma ay diidin, laakiinse anay i diideen, inaanan iyaga u ahaan boqor.

8 S iday hore u yeeleen tan iyo maalintii aan ka soo bixiyey Masar iyo ilaa maantadan, taasoo ahayd inay iga tageen, oo ilaahyo kale u adeegeen, saasay adigana kugu samaynayaan.

9 H addaba sidaas daraaddeed bal codkooda dhegayso, habase yeeshee waa inaad aad ugu markhaati furtaa, oo waa inaad u sheegtaa boqorka xukumi doona siduu ahaan doono.

10 O o Samuu'eelna wuxuu erayadii Rabbiga oo dhan u sheegay dadkii boqorka weyddiistay.

11 M arkaasuu wuxuu ku yidhi, Boqorka idin xukumayaa wuxuu ahaanayaa sidan: wuxuu idinka qaadan doonaa wiilashiinna, oo wuxuu ka dhigan doonaa kuwa gaadhifardoodka u wada, iyo fardooleydiisa, oo iyana waxay hor ordi doonaan gaadhifardoodkiisa.

12 H addana wuxuu iyaga ka dhigan doonaa saraakiil kun kun u sarreeya iyo saraakiil konton konton u sarreeya, oo qaarna beerihiisay u fali doonaan, oo u gooyn doonaan, oo waxay u samayn doonaan alaabta dagaalka, iyo alaabta gaadhifardoodkiisa.

13 O o gabdhihiinnana wuu idinka qaadan doonaa oo wuxuu ka dhigan doonaa kuwo uunsiga sameeya, iyo kuwo cuntada kariya, iyo kuwo kibista duba.

14 O o wuxuu idinka qaadan doonaa beerihiinna, iyo beerihiinna canabka ah, iyo beerihiinna saytuunka ah, iyo xataa meelaha ugu wada wanaagsan, oo wuxuu siin doonaa midiidinnadiisa.

15 O o wuxuu idinka qaadan doonaa iniinihiinna toban meelood oo meel iyo beerihiinna canabka ah, markaasuu siin doonaa saraakiishiisa, iyo midiidinnadiisa.

16 O o haddana wuxuu idinka qaadan doonaa raggiinna addoommada idiin ah, iyo gabdhaha addoommaha idiin ah, iyo dhallinyaradiinna ragga ugu wanaagsan, iyo dameerihiinna, markaasuu ku shaqaysan doonaa.

17 O o wuxuu idinka qaadan doonaa adhigiinna toban meelood oo meel, oo idinna waxaad noqon doontaan addoommadiisa.

18 O o maalintaas waxaad ka qaylin doontaan boqorkiinna aad idinku doorateen oo Rabbiguna idiin jawaabi maayo maalintaas.

19 L aakiinse dadkii way diideen inay dhegaystaan Samuu'eel codkiisii, oo waxay yidhaahdeen, Maya, laakiinse waxaannu yeelanaynaa boqor noo taliya;

20 s i aannu ula mid noqonno quruumaha kale oo dhan; oo uu boqorkayagu noogu taliyo, oo uu noo hor kaco oo noo dagaallamo wakhtiga dirirta.

21 O o Samuu'eelna wuu maqlay erayadii dadka oo dhan, oo haddana wuxuu maqashiiyey dhegihii Rabbiga.

22 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Codkooda maqal oo boqor u yeel iyaga. Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii reer binu Israa'iil ku yidhi, Taga oo ninkiin waluba magaaladiisii ha tago.