1 R abbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.
2 S ayidow, codkayga maqal, Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon Codka baryootankayga.
3 R abbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid, Bal yaa istaagi doona, Sayidow?
4 L aakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid, In adiga lagaa cabsado daraaddeed.
5 W axaan sugaa Rabbiga, Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.
6 N aftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa, Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.
7 R eer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.
8 O o wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa Dembiyadooda oo dhan.