1 I laahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay, Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.
2 X umaantayda iga wada maydh, Oo iga nadiifi dembigayga.
3 W aayo, anigu waan ogahay xadgudubyadayda, Oo dembigayguna hortayduu yaallaa had iyo goorba.
4 A diga keliya ayaan kugu dembaabay, Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun, Inaad xaq ahaatid markaad hadashid, Oo aad daahir ahaatid markaad wax xukunto.
5 B al eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan, Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi.
6 B al eeg, waxaad uurka ka jeceshahay run, Oo meesha qarsoon waxaad iga ogeysiinaysaa xigmad.
7 H addaba geed husob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa, I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa.
8 I maqashii farxad iyo rayrayn, Inay lafihii aad jejebisay farxaan.
9 W ejigaaga ka qari dembiyadayda, Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.
10 I laahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah, Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.
11 H ortaada ha iga xoorin, Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.
12 F arxaddii badbaadintaada ii soo celi, Oo ruux raalli ah igu tiiri.
13 O o markaas kuwa xadgudba jidkaagaan bari doonaa, Oo dembilayaashuna adigay kuu soo noqon doonaan.
14 I laahow, Ilaaha badbaadadaydow, dhiiggelidda iga samatabbixi, Markaasaa carrabkaygu wuxuu aad uga gabyi doonaa xaqnimadaada.
15 S ayidow, bushimahayga fur, Oo afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaantaada.
16 W aayo, adigu kuma faraxdid allabari, haddii kalese waan bixin lahaa, Qurbaan gubanna kuma cajebiyo.
17 A llabaryada Ilaah waa ruux is-hoosaysiintiisa, Ilaahow, adigu quudhsan maysid qalbi hoosaysan oo qoomamaysan.
18 S iyoon wanaag ugu samee sidaad doonayso, Oo Yeruusaalem derbiyadeedana dhis.
19 O o markaas adigu waxaad ku farxi doontaa allabaryada xaqnimada iyo qurbaan guban, iyo allabari wada guban dhammaantiis, Oo markaasay dibiyo ku dul bixin doonaan meeshaada allabariga.