1 H adda bal u yeedh, mid kuu jawaabayaa ma jiraa? Balse kuwa quduuska ah midkoodee baad u jeesanaysaa?
2 W aayo, ninkii nacas ah xanaaqiisaa dila, Oo kii doqon ahna ciilkiisaa dila.
3 A nba waxaan arkay nacas xidid yeeshay. Laakiinse degdeg baan u habaaray rugtiisii.
4 C arruurtiisu nabaadiino way ka fog yihiin, Oo iridda agteeda ayaa iyaga lagu burburiyaa, Mana jiro mid samatabbixiyaa.
5 K uwaas beertay goostaan waxaa cuna kuwa gaajaysan, Oo xataa qodxanta way kala soo dhex bixiyaan, Oo maalkoodana waxaa afka u kala haya siriq.
6 W aayo, belaayo kama soo baxdo ciidda, Dhibaatona kama soo dhex booddo dhulka,
7 L aakiinse binu-aadmigu dhibaato buu u dhashay, Sida dhimbiiluhu kor ugu duulaan.
8 A niguse Ilaah baan baryi lahaa, Oo xaalkaygana Ilaah baan u dhiibi lahaa,
9 K aasoo sameeya waxyaalo waaweyn oo aan la baadhi karin, Iyo waxyaalo yaab badan oo aan la tirin karin,
10 O o dhulka roob ku di'iya, Beerahana biyo u soo dira.
11 O o kuwa hooseeyana kor buu u qaadaa, Kuwa baroortana nabaadiinuu ku sarraysiiyaa.
12 M adhnaan buu ka dhigaa talada khaa'innada, Si ayan gacmahoodu u oofin karin farsamadoodii.
13 I sagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa; Oo kuwa qalloocan taladoodana degdeg baa loo rogaa.
14 O o maalinnimada ayay gudcur helaan, Oo hadhka ayay wax haabhaabtaan sida habeennimada oo kale.
15 L aakiinse isagu kuwa baahan ayuu ka badbaadiyaa seefta afkooda, Iyo kuwa xoogga badan gacantooda.
16 S idaas daraaddeed kii miskiin ahu rajuu leeyahay, Xumaantuse afkeeday xidhaa.
17 B al eeg, waxaa faraxsan ninkii Ilaah canaanto, Haddaba ha quudhsan Qaadirka edbintiisa.
18 W aayo, isagu wax buu nabar u yeelaa, waana duubaa; Wuu dhaawacaa, gacmihiisuna way bogsiiyaan.
19 W uxuu kaa samatabbixin doonaa lix dhibaato, Oo marka toddobaadna belaayo kuma taaban doonto innaba.
20 W akhtiga abaarta ah dhimashuu kaa furan doonaa, Wakhtiga dagaalkana xoogga seefta.
21 W aad ka qarsoonaan doontaa karbaashidda carrabka; Oo baabbi'iddu markay timaadana kama aad cabsan doontid innaba.
22 W aad ku qosli doontaa baabbi'idda iyo abaarta, Oo dugaagga dhulkana kama aad baqi doontid.
23 W aayo, axdi baad la yeelan doontaa dhagaxyada berrinka, Oo dugaagga duurkana heshiis baad la ahaan doontaa.
24 O o waxaad ogaan doontaa in teendhadaadu nabdoon tahay, Oo xeradaada waad soo booqon doontaa, oo waxba kama waayi doontid innaba.
25 O o weliba waxaad ogaan doontaa in farcankaagu badnaan doono, Oo dhashaaduna sida cawska dhulka bay ahaan doontaa.
26 O o cimri dheer baad qabrigaaga ku geli doontaa, Sida xidhmo hadhuudh ah xilliga loo soo xidho.
27 B al eeg, annagu xaalkan waannu baadhnay, oo sidaas bayna tahay, Haddaba bal maqal, oo nafsaddaada u ogow.