Sabuurradii - 147

picture

1 R abbiga ammaana. Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo, Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.

2 R abbigu Yeruusaalem buu dhisaa, Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa'iil ah.

3 I sagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay, Oo nabrahoodana wuu duubaa.

4 W uxuu sheegaa xiddigaha tiradooda, Oo kulligoodna magacyo buu u bixiyaa.

5 S ayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay, Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn.

6 R abbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow, Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.

7 R abbiga mahadnaqid ugu gabya, Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,

8 K aasoo samada daruuro ku qariya, Oo dhulka roob u diyaarsha, Buurahana doog ka soo bixiya.

9 W uxuu quud siiyaa xayawaanka, Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.

10 I sagu kuma farxo xoogga faraska, Oo kuma reyreeyo lugaha dadka.

11 R abbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada, Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.

12 Y eruusaalemay, Rabbiga ammaan, Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.

13 W aayo, wuxuu xoogeeyey qataarrada irdahaaga, Carruurtaadana wuu kugu dhex barakeeyey.

14 S oohdimahaaga nabad buu ka dhigaa, Oo wuxuu kaa dhergiyaa sarreenka ugu wanaagsan.

15 A markiisa wuxuu u soo diraa dhulka, Eraygiisuna aad buu u dheereeyaa.

16 B araf cad wuxuu u soo daadshaa sida dhogor oo kale, Sayax barafoobayna wuxuu u kala firdhiyaa sida dambas oo kale.

17 B arafkiisa wuxuu u soo ridaa sida jajab oo kale, Bal yaa qabowgiisa hor istaagi kara?

18 W uxuu soo diraa eraygiisa, oo wuu dhalaaliyaa iyaga, Dabayshiisana wuxuu ka dhigaa inay dhacdo, biyuhuna way qulqulaan.

19 E raygiisa wuxuu tusaa reer Yacquub, Qaynuunnadiisa iyo xukummadiisana reer binu Israa'iil.

20 Q uruunna sidaas oo kale uma uu samayn. Xukummadiisiina ma ay garanaynin, Rabbiga ammaana.