Sabuurradii - 148

picture

1 R abbiga ammaana. Rabbiga samooyinka ka ammaana, Meelaha sarsarena ka ammaana.

2 M alaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga, Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga.

3 Q orraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.

4 A mmaana isaga, samooyinka samooyinkow, Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow.

5 I yagu magaca Rabbiga ha ammaaneen, Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen.

6 O o weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba, Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn.

7 R abbiga dhulka ka ammaana, Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow,

8 D ab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow, Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,

9 B uuro iyo kuro oo dhammow, Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow,

10 D ugaag iyo xoolo oo dhammow, Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,

11 B oqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow, Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,

12 B arbaar iyo hablow, Odayaal iyo carruuray,

13 H a ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.

14 I sagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa, Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan, Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow. Rabbiga ammaana.