1 A ad ugu gabya Ilaaha xooggeenna ah, Oo farxad ugu qayliya Ilaaha Yacquub.
2 S abuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka, Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.
3 B uunka afuufa markay bishu dhalato, Iyo markuu dayaxu caddo buuxda yahay, iyo maalinta iiddeenna quduuska ah.
4 W aayo, taasu qaynuun bay u tahay reer binu Israa'iil, Waana amar ka yimid Ilaaha Yacquub.
5 O o wuxuu reer Yuusuf dhexdooda ka dhigay markhaati, Markii uu dalkii Masar ku soo baxay, Halkaas oo aan ka maqlay af aanan aqoon.
6 G arbihiisa waxaan ka qaaday culaabtii saarnayd, Gacmihiisana waxaa laga xoreeyey dambiishii.
7 W aad ii dhawaaqatay markii dhib kuu yimid, oo anna waan ku soo samatabbixiyey, Waxaan kaaga jawaabay onkodka meeshiisa qarsoon, Oo waxaan kugu tijaabiyey biyihii Meriibaah. (Selaah)
8 D adkaygiiyow, bal i maqla, Oo anna waan idiin digi doonaa, Reer binu Israa'iilow, bal haddaad i maqli lahaydeen!
9 W aa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin, Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin.
10 A nigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, Oo kaa soo bixiyey dalkii Masar, Afkaaga aad u kala qaad, oo anna waan buuxin doonaa.
11 L aakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii, Oo reer binu Israa'iilna ima aqbalin.
12 S idaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda. Si ay taladooda ugu socdaan.
13 B al may dadkaygu i dhegaystaan, Oo reer binu Israa'iil bal may jidkayga ku socdaan!
14 O o waxaan haddiiba jebin lahaa cadaawayaashooda, Oo gacantaydana waan ku jeedin lahaa colkooda.
15 K uwa Rabbiga necebu waxay hoos geli lahaayeen isaga, Laakiinse wakhtigoodu weligiis wuu waari lahaa.
16 O o weliba wuxuu iyaga ku quudin lahaa sarreenka ugu wanaagsan, Oo waxaan ka dhergin lahaa malabka dhagaxa ka soo baxa.