1 N inkiina naagtiisii Xaawa ahayd buu u tegey; wayna uuraysatay, oo Qaabiil bay dhashay, oo waxay tidhi, Wiil baan ku helay Rabbiga caawimaaddiisa.
2 D abadeedna waxay dhashay walaalkiis Haabiil. Haabiilna wuxuu ahaa adhijir, laakiin Qaabiil wuxuu ahaa beerfale.
3 M aalmo dabadeed waxay noqotay in Qaabiil qurbaan ahaan Rabbiga ugu keenay midhihii dhulka.
4 H aabiilna wuxuu wax uga keenay curadyadii adhigiisa iyo baruurtoodiiba. Rabbiguna wuu eegay Haabiil iyo qurbaankiisii;
5 l aakiinse Qaabiil iyo qurbaankiisii Rabbigu ma uu eegin. Qaabiilna aad buu u cadhooday, wejigiisiina wuu madoobaaday.
6 O o Rabbigu wuxuu ku yidhi Qaabiil, Maxaad u cadhoonaysaa? Maxaase wejigaagu u madoobaaday?
7 H addaad wax wanaagsan samaysid, sow laguma aqbaleen? Haddaadan wax wanaagsan samaynse, dembi illinkuu kuugu gabbanayaa; doonistiisuna aday noqon doontaa, adiguna waa inaad xukuntid isaga.
8 Q aabiilna wuxuu ku yidhi walaalkiis Haabiil, Ina keen, aynu duurka tagnee. Waxaana dhacday, markii ay duurka joogeen, in Qaabiil walaalkiis Haabiil ku kacay oo dilay isagii.
9 R abbiguna wuxuu Qaabiil ku yidhi, Walaalkaa Haabiil meeh? Kolkaasuu yidhi, Ma aqaan: ma anigaa ah walaalkay ilaaliyihiisa?
10 K olkaasaa Ilaah ku yidhi, Maxaad samaysay? Codkii dhiiggii walaalkaa ayaa dhulka iiga dhawaaqayaye.
11 O o haatan waad ka habaaran tahay dhulkii afkiisa u kala qaaday si uu dhiiggii walaalkaa gacantaada uga helo.
12 K olkii aad dhulka beeratid, wax badan kuuma dhali doono. Waxaad dhulka ku noqon doontaa mid carcarara oo warwareega.
13 Q aabiilna wuxuu Rabbiga ku yidhi, Taqsiirtaydu waa ka sii badan tahay wax aan qaadi karo.
14 B al eeg, maanta dhulkaad iga eriday, wejigaagana waan ka qarsoonaan doonaa, waxaanan dhulka ku noqon doonaa mid carcarara oo warwareega; waxaana dhici doonta in kii i arkaaba i dili doono.
15 O o Rabbigu wuxuu ku yidhi isagii, Sidaas daraaddeed ku alla kii dila Qaabiil, waxaa looga aargudan doonaa toddoba labanlaab. Rabbiguna calaamad buu u sameeyey Qaabiil, si aanu ku alla kii arkaaba u dilin.
16 Q aabiilna Rabbiga hortiisuu ka tegey, oo wuxuu degay dalkii la odhan jiray Nood, oo xagga bari oo Ceeden ku yiil.
17 Q aabiilna naagtiisuu u tegey; wayna uuraysatay, oo waxay dhashay Enoog. Wuxuuna dhisay magaalo, oo magaaladiina wuxuu ku magacaabay magicii wiilkiisii Enoog.
18 E noogna waxaa u dhashay Ciiraad, Ciiraadna wuxuu dhalay Mexuuya'el, Mexuuya'elna wuxuu dhalay Metuusha'el, Metuusha'elna wuxuu dhalay Lameg.
19 L amegna wuxuu guursaday laba naagood; mid magaceedu wuxuu ahaa Caadah, tan kalena magaceedu wuxuu ahaa Sillah.
20 C aadahna waxay dhashay Yaabaal: isna wuxuu ahaa aabbihii kuwa teendhooyinka deggan oo xoolaha leh.
21 M agaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yuubaal; isna wuxuu ahaa aabbihii kuwa kataaradda iyo biibiilaha garaaca.
22 S illahna waxay dhashay Tuubalqayin oo ahaa mid tumi jiray alaabtii naxaasta iyo birta ahayd oo dhan; Tuubalqayin walaashiisna waxay ahayd Nacmah.
23 L amegna wuxuu naagihiisii ku yidhi: Caadah iyo Sillahay, codkayga maqla; Lameg naagihiisow, hadalkayga dhegaysta; Nin baan u dilay dhaawicid uu i dhaawacay aawadeed, Iyo nin dhallinyar dhufashadii uu wax igu dhuftay aawadeed.
24 H addii Qaabiil toddoba labanlaab looga aargudan lahaa, Runtii Lameg waa in toddoba iyo toddobaatan labanlaab looga aar gutaa.
25 A adanna naagtiisii mar kale ayuu u tegey; waxayna dhashay wiil, magiciisiina waxay u bixisay Seed, iyadoo leh, Ilaah abuur kaluu ii soo dhigay Haabiil meeshiisii; waayo, Qaabiil baa dilay isagii.
26 S eedna waxaa u dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Enoos; markaasaa dadkii waxay bilaabeen inay Rabbiga ku baryaan magiciisa.