1 I laahow, tukashadayda dhegta u dhig, Oo baryootankaygana ha iska qarin.
2 I maqal, oo ii jawaab, Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa,
3 S ababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis, Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed, Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan, Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.
4 W adnuhu aad buu ii xanuunayaa, Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada.
5 B aqdin iyo gariir ayaa igu soo degay, Oo naxdin baa i dabooshay.
6 O o anna waxaan is-idhi, Waxaan jeclaan lahaa inaan baalal yeesho sida qoolley oo kale! Markaasaan iska duuli lahaa oo nasan lahaa.
7 B al eeg, markaasaan iska warwareegi lahaa meel fog, Oo waxaan degganaan lahaa cidlada. (Selaah)
8 W axaan gabbaad kaga carari lahaa Dabaysha hufada ah iyo duufaanka.
9 S ayidow, iyaga baabbi'i, oo afafkoodana kala duw Waayo, waxaan magaalada ku arkay dulmi iyo dirir.
10 M aalin iyo habeenba derbiyadeeday ku dul wareegaan, Oo weliba waxaa ku dhex jira xumaan iyo belaayo.
11 D hexdeedana waxaa ku jira shar, Dulmi iyo khiyaanona kama tagaan jidadkeeda.
12 W aayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn, Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa, Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey, Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga,
13 L aakiinse wuxuu ahaa adiga oo ah nin ila mid ah, Iyo jaalkay iyo saaxiibkay.
14 S i wanaagsan baynu u wada sheekaysan jirnay, Oo waxaynu ku dhex socon jirnay guriga Ilaah, innagoo guuto badan la soconna.
15 D himasho ha ku soo kediso iyaga, Oo iyagoo noolnool She'ool ha ku dhaceen, Waayo, xumaan baa ku jirta hoygooda iyo dhexdooda.
16 L aakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona.
17 F iidka, iyo subaxda, iyo duhurkaba, anigu waan cataabi doonaa, oo waan taahi doonaa, Oo isna codkayguu maqli doonaa.
18 N aftayda nabadduu kaga samatabbixiyey dagaalkii iga geesta ahaa, Waayo, kuwii ila diriray way badnaayeen.
19 I laah oo ah kan weligiis waara, Wuu maqli doonaa oo u jawaabi doonaa iyaga, Kuwaas oo aan beddelmin, (Selaah) Oo aan Ilaah ka cabsan.
20 I sagu wuxuu u gacan qaaday kii isaga heshiiska la ahaa, Oo axdigiisiina wuu buriyey.
21 A fkiisu wuxuu u nuglaa sidii subag oo kale, Laakiinse qalbigiisu wuxuu ahaa dagaal, Erayadiisu saliid way ka jilicsanaayeen, Laakiinse waxay ahaayeen seefo galkii laga siibay.
22 C ulaabtaada Rabbiga saar, oo isna wuu ku xanaanayn doonaa, Waayo, isagu kan xaqa ah marnaba u dayn maayo in la dhaqaajiyo.
23 L aakiinse, Ilaahow, iyaga waxaad ku dhaadhicin doontaa yamayska halligaadda, Dhiigyocabyada iyo dadka khaa'innada ahu cimrigooda nus ma kadban doonaan, Laakiinse anigu waan isku kaa hallayn doonaa.