Kolosay - 2

picture

1 W axaan jeclaan lahaa inaad ogaataan sida weyn oo aan idiinku dadaalayo idinka iyo kuwa La'odikiya jooga iyo in alla intii aan arag wejigayga anoo nool;

2 i nay qalbiyadoodu dhiirranaadaan, iyagoo jacayl isugu xidhan, iyo inay wada helaan hodantinimada hubaasha waxgarashada, inay ogaadaan qarsoodiga Ilaah, kaas oo ah Masiixa.

3 I saga waxaa ku wada qarsoon waxyaalaha qaaliga ah oo dhan oo ah xigmadda iyo aqoonta. La Mid-ahaanshaha Ciise Masiix, Iyo Ka-digidda Cilmiga Beenta Ah

4 T aas waxaan u leeyahay inaan ninna idinku khiyaanayn hadal sasabasho ah.

5 I n kastoo aan idinka maqnahay xagga jidhka, weliba waan idinla joogaa xagga ruuxa, anigoo faraxsan oo fiirinaya nidaamkiinna iyo adkaanta rumaysadkiinna, xagga Masiixa.

6 H addaba sidaad u aqbasheen Rabbi Ciise Masiix, ku socda,

7 i dinkoo isaga xidid ku yeeshay oo ku dhismay, oo rumaysadkiinna ku adkaaday, taas oo ah sidii laydiin baray, oo aad u mahadnaqa.

8 I ska jira yaan ninna idinku dhicin faylosofiyadiisa iyo khiyaanadiisa bilaashka ah xagga caadooyinka dadka iyo waxyaalaha dunida ugu horreeya oo aan ka iman xagga Masiixa,

9 w aayo, buuxnaanta Ilaahnimada oo dhammu waa ku jirtaa isagoo jidh leh,

10 o o waa laydin buuxiyey idinkoo ku jira isagoo ah madaxa taaliye kasta iyo amar kasta.

11 O o isaga xaggiisaa laydinkaga guday gudniin aan gacmo lagu samayn markii aad gudniinta Masiixa ku xoorteen jidhka aadmiga.

12 I dinka waxaa isaga laydinkula aasay baabtiiska, kaas oo isaga laydinkula soo kiciyey xagga rumaysadka aad u qabtaan xoogga Ilaah oo shaqeeya oo isaga kuwii dhintay ka soo sara kiciyey.

13 I dinkoo ku dhintay xadgudubyadiinnii iyo buuryoqabnimadii jidhkiinna ayuu weliba isaga idinla soo noolaysiiyey, isagoo inaga cafiyey xadgudubyadeennii oo dhan.

14 W uxuu baabbi'iyey dacwadii inoogu qornayd qaynuunnada oo inaga geesta ahayd, oo weliba intuu fogeeyey ayuu ku qodbay iskutallaabta.

15 I sagu hubkuu ka qaaday taliyayaasha iyo kuwa amarka leh, oo bayaan ayuu u ceebeeyey, isagoo iyaga kaga guulaysanaya.

16 H addaba ninna yuusan idinku xukumin wax ku saabsan cunto ama cabbid ama maalin iid ah ama bil dhalatay ama maalmaha sabtida,

17 k uwaas oo ah hooska waxyaalaha iman doona, laakiinse jidhka waxaa iska leh Masiixa.

18 N inna yuusan abaalgudkiinna idinka dulmin isagoo idin oggolaysiinaya is-hoosaysiinta iyo malaa'ig caabudidda, oo dhex gelaya waxyaalaha uusan arkin, oo micnela'aan ugu kibraya maankiisa aadmiga,

19 o o aan xajisanayn Madaxa jidhka oo dhammu wax ka helo, oo xubnaha iyo seedaha isku haysta, oo kordhinta Ilaah ku kordha. Nolosha Cusub Oo Ciise Masiix

20 H addii aad Masiixa kala dhimateen waxyaalaha dunida ugu horreeya, maxaad sidii idinkoo dunida ku nool isaga hoosaysiisaan qaynuunnada,

21 k uwaas oo leh, Ha qaban, Ha dhadhamin, Ha taaban?

22 W axyaalahaas oo dhan ayaa isticmaal ku wada baabba'aya. Qaynuunnadu waxay ka yimaadeen amarrada iyo cilmiga dadka.

23 W axyaalahaasu sida haqiiqada ah waxay leeyihiin muuqasho xigmad ah xagga caabudidda qof naftiisa ku qasbo iyo is-hoosaysiinta iyo saxariirinta jidhka, laakiinse iyagu faa'iido ma leh ay ku hor joogsadaan dherjinta jidhka.