1 R abbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.
2 W axaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
3 I laah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
4 W aayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen.
5 O o kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
6 I yagii halkaasay ku gariireen, Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
7 D oonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa Dabaysha bari.
8 A nnagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna, Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)
9 I laahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay Markaan macbudkaaga ku jirnay.
10 I laahow, sida magacaagu yahay Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan, Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
11 B uur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.
12 S iyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega, Oo munaaradaheeda tiriya.
13 B al aad ugu fiirsada qalcadaheeda, Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer, Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.
14 W aayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah, Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.