Baroorashadii Yeremyaah - 5

picture

1 R abbiyow, bal xusuuso wixii nagu soo degay. Ka fiirso oo bal eeg caydii nalagu caayay.

2 D haxalkayagii waxaa helay shisheeyayaal. Guryahayagiina waxaa iska qaatay ajnabiyo.

3 W axaannu nahay agoommo, aabbayaal ma lihin, Oo hooyooyinkayana carmallay noqdeen

4 B iyahayagii lacag baannu ku cabnay, Oo qoryahayagiina waa nalaga iibiyey.

5 K uwii na eryanayayna way na gaadheen, Waannu daalan nahay oo nasasho ma lihin.

6 W axaannu gacanta u dhiibannay Masriyiinta Iyo reer Ashuur si aannu kibis uga dheregno.

7 A abbayaashayo waa dembaabeen, mana joogaan, Oo annagaa xumaatooyinkoodii xambaarannay.

8 A ddoommaa noo taliya, Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro,

9 W axaannu kibistayada ku helnaa naftayadoo aan biimayno, Waana seefta cidlada aawadeed.

10 H araggayagii wuxuu u madoobaaday sidii foorno oo kale, Waana kulaylkii abaarta daraaddiis.

11 N aagihii Siyoon dhexdeedaa lagu kufsaday, Hablihii bikradaha ahaana magaalooyinka dalka Yahuudah waa lagu kufsaday.

12 A miirradii gacmahoodaa lagu deldelay, Oo odayaashiina lama sharfin.

13 B arbaarradii dhagaxshiidkay qaadeen, Oo carruurtiina rarkii qoryaha bay la kufeen.

14 O dayaashii iridday ka joogsadeen, Oo barbaarradiina muusikadoodii farahay ka qaadeen.

15 F arxaddii qalbigayagay ka dhammaatay, Oo cayaartayadiina baroorashay u rogmatay.

16 T aajkii madaxayaguu ka dhacay. Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay!

17 T aas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday. Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.

18 M axaa yeelay, Buur Siyoon waa cidlowday, Oo dawacooyin baa ku dul socda.

19 R abbiyow, weligaaba sida boqor baad u fadhidaa, Oo carshigaaguna ab ka ab buu waaraa.

20 H addaba bal maxaad weligaaba noo illowdaa, Oo maxaad wakhti dheer noo dayrisaa?

21 R abbiyow, xaggaaga noo soo celi, oo waannu soo noqon doonnaa. Maalmahayagana sida kuwii hore oo kale nooga dhig.

22 L aakiinse dhammaantayoba waad na diidday. Oo aad baad noogu cadhootay.