Ayuub - 3

picture

1 M arkaas dabadeed Ayuub intuu afkiisa furay ayuu habaaray maalintii uu dhashay.

2 O o Ayuub intuu hadal bilaabay ayuu yidhi:

3 D haraartii aan dhashay ha baabba'do Iyo habeenkii la yidhi, Wiil baa calool galay.

4 M aalintaasu gudcur ha ahaato; Oo Ilaah yuusan iyada xagga sare kaga fiirsan, Oo nuurkuna yuusan iftiimin.

5 G udcur iyo hooska dhimashadu iyada mulki ha ka dhigteen. Daruuru ha ku degto, Oo wixii maalin madoobeeya oo dhammu ha cabsiiyeen.

6 O o habeenkaasna gudcur weynu ha qabsado, Oo ayaamaha sannadda yuusan ka dhex rayrayn. Oo yuusan soo dhex gelin bilaha tiradooda.

7 B al eeg, habeenkaasu cidla ha noqdo; Oo cod faraxsan yaanu ka dhex yeedhin.

8 O o isaga ha habaareen kuwa maalinta habaaraa, Oo kicin kara bahalka la yidhaahdo Lewiiyaataan.

9 F iidka xiddigihiisu gudcur ha noqdeen, Iftiin ha doondoono oo yuusan helin; Oo innaba yuusan arkin kaaha waaberiga.

10 M axaa yeelay, isagu ma uu awdin irdihii maxalka hooyaday, Oo indhahaygana dhib kama uu qarin.

11 B al maxaan u dhiman waayay markaan uurka ka soo baxay? Oo maxaa naftu iiga bixi weyday isla markaan caloosha ka soo baxay?

12 B al jilbuhu maxay ii aqbaleen? Amase naasuhu inaan nuugo?

13 W aayo, hadda xasilloonaan baan ku jiifi lahaa; Oo waan iska seexan lahaa, oo waan nasan lahaa,

14 A niga iyo boqorrada iyo lataliyayaasha dunida Oo nafsaddooda taallooyin u dhistay,

15 I yo amiirradii dahabka lahaan jiray, Oo guryahooda lacagta ka buuxsaday;

16 B al dhicis qarsoon maxaan u ahaan waayay? Ama sida dhallaan aan innaba iftiinka arag?

17 H alkaas kuwa sharka ahu cidna kuma sii dhibaan, Oo kuwa daallanuna halkaasay ku nastaan.

18 M axaabiistuna halkaasay dhammaantood ku wada istareexaan, Mana ay maqlaan kii dulmi jiray codkiisa.

19 Y ar iyo weynba halkaasaa la wada joogaa, Oo addoonkuna sayidkiisa waa ka xor.

20 B al iftiin maxaa loo siiyaa kan dhibaataysan? Maxaase loo nooleeyaa kan naftiisu la qadhaadhaatay,

21 O o dhimasho u xiisooda, oo ayan u imanayn, Oo daraaddeed dhulka u qodqoda intuu khasnado qarsoon qodi lahaa in ka sii badan,

22 K uwaasoo aad u reyreeya, Oo farxa hadday qabriga heli karaan?

23 B al maxaa iftiin loo siiyaa nin jidkiisu qarsoon yahay, Oo Ilaah deyr ku wareejiyey?

24 W aayo, intaanan wax cunin ayaan taahaa, Oo cabaadkayguna wuxuu u shubmaa sida biyo oo kale.

25 W aayo, hadba wixii aan ka cabsado ayaa igu soo dega, Oo wixii aan ka baqo ayaa ii yimaada.

26 M a aan istareexsani, mana aan xasillooni, mana aan nasto; Laakiinse hadba dhibaato baa ii timaada.