Sabuurradii - 150

picture

1 R abbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa.

2 F alimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.

3 D hawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.

4 K u ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.

5 S uxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.

6 W ax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. Rabbiga ammaana.