1 L aakiinse markii Sanballad maqlay inaannu derbigii dhisaynay ayuu cadhooday, oo aad u dhirfay, oo Yuhuuddiina wuu ku majaajilooday.
Cuando oyó Sanbalat que nosotros edificábamos el muro, se enojó y se enfureció en gran manera, e hizo escarnio de los judíos.
2 M arkaasuu ka hor hadlay walaalihiis iyo ciidankii Samaariya, oo wuxuu yidhi, War Yuhuuddan itaalka daranu waxay samaynayaan waa maxay? Iyaga ma la daynayaa? Oo miyey allabaryayaan? Oo ma maalin bay hawshaas ku dhammaynayaan? Oo dhagxantii miyey ka soo noolaynayaan tuulmooyinkii waxyaalaha baabba'ay oo gubtay?
Y habló delante de sus hermanos y del ejército de Samaria, y dijo: ¿Qué hacen estos débiles judíos? ¿Se les permitirá volver a ofrecer sus sacrificios? ¿Acabarán en un día? ¿Resucitarán de los montones del polvo las piedras que fueron quemadas?
3 O o haddana Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon oo agtiisa taagnaa wuxuu yidhi, Waxa ay dhisayaan oo dhan xataa haddii dawaco fuusho way kala burburinaysaa derbigooda dhagaxa ah.
Y estaba junto a él Tobías amonita, el cual dijo: Lo que ellos edifican del muro de piedra, si subiere una zorra lo derribará.
4 I laahayagow, bal maqal, waayo, waa nala quudhsadaye; caydooda dib ugu celi madaxooda, oo iyaga u gacangeli dal dhaca oo maxaabiis ahaan u kaxaysta.
Oye, oh Dios nuestro, que somos objeto de su menosprecio, y vuelve el baldón de ellos sobre su cabeza, y entrégalos por despojo en la tierra de su cautiverio.
5 O o xumaantoodana ha dedin, oo dembigoodana yaan hortaada laga tirtirin, waayo, kuwii wax dhisayay hortooda ayay kaaga xanaajiyeen.
No cubras su iniquidad, ni su pecado sea borrado delante de ti, porque se airaron contra los que edificaban.
6 H addaba derbigii waannu dhisnay; oo derbigii oo dhan waa lays qabadsiiyey ilaa qotonkiisii badhkiis la gaadhsiiyey, waayo dadku waxay maanka ku hayeen inay shaqeeyaan.
Edificamos, pues, el muro, y toda la muralla fue terminada hasta la mitad de su altura, porque el pueblo tuvo ánimo para trabajar.
7 L aakiinse markii Sanballad, iyo Toobiyaah, iyo kuwii Carbeed, iyo reer Cammoon, iyo reer Ashdood ay maqleen in derbiyadii Yeruusaalem cusboonaysiintoodii ay hore u socotay iyo in la bilaabay in daldaloolladii la fureeyo ayay aad u cadhoodeen.
Pero aconteció que oyendo Sanbalat y Tobías, y los árabes, los amonitas y los de Asdod, que los muros de Jerusalén eran reparados, porque ya los portillos comenzaban a ser cerrados, se encolerizaron mucho;
8 M arkaasay dhammaantood shirqool ku wada arrinsadeen inay soo kacaan oo Yeruusaalem la diriraan, iyo inay dhexdeeda qas ka ridaan.
y conspiraron todos a una para venir a atacar a Jerusalén y hacerle daño.
9 L aakiinse waxaannu barinnay Ilaahayo, oo iyaga aawadood ayaannu yeelnay waardiyayaal naga ilaaliya habeen iyo maalinba.
Entonces oramos a nuestro Dios, y por causa de ellos pusimos guarda contra ellos de día y de noche.
10 M arkaasaa dadkii dalka Yahuudah waxay yidhaahdeen, Kuwa culaysyada qaada xooggoodii waa yaraaday, oo waxaa jira waxyaalo dundumay oo badan, sidaa daraaddeed derbiga ma dhisi karno.
Y dijo Judá: Las fuerzas de los acarreadores se han debilitado, y el escombro es mucho, y no podemos edificar el muro.
11 O o cadaawayaashayadiina waxay yidhaahdeen, Iyagu ma ay ogaan doonaan, mana ay arki doonaan jeeraan dhex tagno oo aan iyaga layno, oo shuqulkana aan joojinno.
Y nuestros enemigos dijeron: No sepan, ni vean, hasta que entremos en medio de ellos y los matemos, y hagamos cesar la obra.
12 O o markii Yuhuuddii iyaga ag degganayd ay yimaadeen, waxay toban jeer nagu yidhaahdeen, Idinku waa inaad meel walba nooga soo noqotaan.
Pero sucedió que cuando venían los judíos que habitaban entre ellos, nos decían hasta diez veces: De todos los lugares de donde volviereis, ellos caerán sobre vosotros.
13 H addaba sidaas daraaddeed meeshii ugu hoosaysay oo derbiga ka dambaysay oo meelaha bannaan ku yiil ayaan taagay dadkii qoloqolo u safan oo wada haysta seefahoodii, iyo warmahoodii, iyo qaansooyinkoodiiba.
Entonces por las partes bajas del lugar, detrás del muro, y en los sitios abiertos, puse al pueblo por familias, con sus espadas, con sus lanzas y con sus arcos.
14 O o intaan wax fiiriyey ayaan kacay oo waxaan ku idhi kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo dadka intiisii kaleba, Iyaga ha ka cabsanina, ee waxaad xusuusataan Sayidka weyn oo laga cabsado, oo waxaad u dirirtaan walaalihiin, iyo wiilashiinna, iyo gabdhihiinna, iyo naagihiinna, iyo guryihiinnaba.
Después miré, y me levanté y dije a los nobles y a los oficiales, y al resto del pueblo: No temáis delante de ellos; acordaos del Señor, grande y temible, y pelead por vuestros hermanos, por vuestros hijos y por vuestras hijas, por vuestras mujeres y por vuestras casas.
15 H addaba markii cadaawayaashayadii ay maqleen inaannu taas ogaannay, oo uu Ilaah taladoodii kala riday, ayaannu kulligayo ku noqonnay derbigii oo mid waluba wuxuu qabtay shuqulkiisii.
Y cuando oyeron nuestros enemigos que lo habíamos entendido, y que Dios había desbaratado el consejo de ellos, nos volvimos todos al muro, cada uno a su tarea.
16 O o intii markaas ka dambaysay midiidinnadaydii badhkood shuqulkii bay sameeyeen, oo badhkoodii kalena waxay hayeen warmihii, iyo gaashaammadii, iyo qaansooyinkii, iyo jubbado bir ah, oo taliyayaashii oo dhammuna way daba taagnaayeen dadkii dalka Yahuudah oo dhan.
Desde aquel día la mitad de mis siervos trabajaba en la obra, y la otra mitad tenía lanzas, escudos, arcos y corazas; y detrás de ellos estaban los jefes de toda la casa de Judá.
17 O o kuwii derbiga dhisayay iyo kuwii wax culus isa saarayba mid waluba gacmihiisa middood wuxuu ku sameeyey shuqulkii, midda kale wuxuu ku haystay hubkiisii dagaalka.
Los que edificaban en el muro, los que acarreaban, y los que cargaban, con una mano trabajaban en la obra, y en la otra tenían la espada.
18 O o kuwii wax dhisayayna mid walba seeftiisu dhinaca ayay ugu xidhnayd, oo sidaasayna wax u dhisayeen. Oo kii buunka yeedhin jirayna aniguu i ag joogay.
Porque los que edificaban, cada uno tenía su espada ceñida a sus lomos, y así edificaban; y el que tocaba la trompeta estaba junto a mí.
19 O o waxaan ku idhi kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo dadka intiisii kaleba, Shuqulku waa weyn yahay, wuuna ballaadhan yahay, annana derbiga dushiisa waannu ku kala firidhsan nahay, oo midba midka kale wuu ka fog yahay.
Y dije a los nobles, y a los oficiales y al resto del pueblo: La obra es grande y extensa, y nosotros estamos apartados en el muro, lejos unos de otros.
20 M eel alla meeshii aad ka maqashaan dhawaaqa buunka, halkaas noogu soo urura; waxaa inoo diriri doona Ilaaheenna.
En el lugar donde oyereis el sonido de la trompeta, reuníos allí con nosotros; nuestro Dios peleará por nosotros.
21 S idaasaannu shuqulkii u qabannay; oo dadka badhkiisna waxay warmaha haysteen markii waagu beryay iyo tan iyo jeeray xiddiguhu muuqdeen.
Nosotros, pues, trabajábamos en la obra; y la mitad de ellos tenían lanzas desde la subida del alba hasta que salían las estrellas.
22 O o sidaas oo kale isla markaas waxaan dadkii ku idhi, Mid kasta iyo midiidinkiisu ha ku soo hoydeen Yeruusaalem, si ay habeenkii waardiyayaal noogu noqdaan, maalintiina ay u hawshoodaan.
También dije entonces al pueblo: Cada uno con su criado permanezca dentro de Jerusalén, y de noche sirvan de centinela y de día en la obra.
23 H addaba sidaas daraaddeed aniga iyo walaalahay, iyo midiidinnadaydii, iyo raggii waardiyaha ahaa oo i daba socday toona midkayana dharkiisii iskama furin, oo mid kastaaba isagoo hubkiisii u xidhan yahay ayaa biyaha xaggooda tegey.
Y ni yo ni mis hermanos, ni mis jóvenes, ni la gente de guardia que me seguía, nos quitamos nuestro vestido; cada uno se desnudaba solamente para bañarse.