1 H addaba Sulaymaan wuxuu u qasdiyey inuu guri u dhiso Rabbiga magiciisa, iyo guri kale oo boqortooyadiisu leedahay.
Salomone decise di costruire una casa per il nome del Signore e un palazzo reale per sé.
2 M arkaasaa Sulaymaan wuxuu qortay toddobaatan kun oo xammaal, iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha dhagax ka jari jiray, iyo saddex kun iyo lix boqol oo nin oo iyaga u taliya.
Salomone arruolò settantamila uomini per portare pesi, ottantamila per tagliare pietre nella montagna e tremilaseicento per sorvegliarli.
3 O o Sulaymaanna wuxuu u cid diray Xuuraam oo ahaa boqorkii Turos oo ku yidhi, Sidaad u yeeshay aabbahay Daa'uud markaad isaga u soo dirtay alwaax kedar ah oo uu ku dhisto guri uu ku hoydo, anigana sidii oo kale ii yeel.
Poi Salomone mandò a dire a Curam, re di Tiro: «Fa’ con me come facesti con Davide mio padre, al quale mandasti dei cedri per la costruzione del suo palazzo.
4 B al eeg, waxaan guri u dhisayaa magaca Rabbiga Ilaahayga ah, inaan isaga quduus uga dhigo, oo hortiisa lagu shido foox udgoon, oo la hor dhigo kibista tusniinta oo joogtada ah, oo la bixiyo qurbaannada la gubo subaxda iyo fiidka, iyo Sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo ciidaha Rabbiga Ilaahayaga ah. Kaasuna waa amar reer binu Israa'iil weligiis la amray.
Io sto per costruire una casa per il nome del Signore mio Dio, per consacrargliela, per bruciare davanti a lui il profumo fragrante, per esporvi permanentemente i pani della presentazione e per offrirvi gli olocausti del mattino e della sera, dei sabati, dei noviluni e delle feste del Signore nostro Dio. Questa è una legge perenne per Israele.
5 O o guriga aan dhisayaana waa weyn yahay, maxaa yeelay, Ilaahayagu waa weyn yahay oo waa ka wada sarreeyaa ilaahyada oo dhan.
La casa che io sto per costruire sarà grande, perché il nostro Dio è più grande di tutti gli dèi.
6 L aakiinse bal yaa isaga guri u dhisi kara, maxaa yeelay, samada iyo samada samooyinkuba isaga ma qaadi karaan? Bal markaan guri u dhisayo, yaan ahay anigu, inaan hortiisa foox ku shido oo keliya mooyaane?
Ma chi sarà tanto capace da costruirgli una casa, se i cieli e i cieli dei cieli non possono contenerlo? E chi sono io per costruirgli una casa, anche soltanto per bruciarvi dei profumi davanti a lui?
7 H addaba waxaad ii soo dirtaa nin yaqaan sancada dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta, iyo guduudka, iyo casaanka, iyo buluugga, kaasoo si wacan u yaqaan sancada xaradhka, inuu la jiro ragga saanacyada ah oo ila jooga dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem, kuwaasoo uu aabbahay Daa'uud diyaariyey.
Mandami dunque un uomo abile a lavorare l’oro, l’argento, il bronzo, il ferro, la porpora, lo scarlatto, il violaceo, che sappia fare ogni sorta di lavori d’intaglio, collaborando con gli artisti che sono presso di me in Giuda e a Gerusalemme, e che Davide mio padre aveva preparati.
8 O o weliba waxaad dalka Lubnaan iiga soo dirtaa geedo kedar ah iyo geedo beroosh ah iyo geedo almuug ah, waayo, waan ogahay in addoommadaadu sanco u leeyihiin inay Lubnaan alwaax ka soo jaraan, oo bal eeg addoommadayduna waxay la jiri doonaan addoommadaada,
Mandami anche dal Libano legnami di cedro, di cipresso e di sandalo, perché io so che i tuoi servi sono abili nel tagliare il legname del Libano; ed ecco, i miei servi saranno con i tuoi servi,
9 s i ay iigu diyaariyaan alwaax faro badan, waayo, guriga aan dhowaan dhisi doonaa wuxuu ahaan doonaa mid yaab weyn oo badan.
per prepararmi del legname in abbondanza, poiché la casa che io sto per costruire sarà grande e meravigliosa.
10 O o bal eeg, anigu addoommadaada alwaaxda jaraya waxaan siin doonaa labaatan kun oo kor oo ah sarreen la tumay, iyo labaatan kun oo kor oo ah shaciir, iyo labaatan kun oo bad oo khamri ah, iyo labaatan kun oo bad oo saliid ah.
E ai tuoi servi che abbatteranno e taglieranno il legname io darò ventimila cori di grano battuto, ventimila cori d’orzo, ventimila bati di vino e ventimila bati d’olio».
11 M arkaasaa Xuuraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu ku soo jawaabay warqad uu u soo qoray Sulaymaan oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu dadkiisa waa jecel yahay, sidaas daraaddeed buu boqor kaaga dhigay.
Curam, re di Tiro, rispose così in una lettera, che mandò a Salomone: «Il Signore, perché ama il suo popolo, ti ha costituito re su di esso».
12 O o weliba Xuuraam wuxuu kaloo yidhi, Ammaan waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo sameeyey samada iyo dhulkaba, oo Boqor Daa'uudna siiyey wiil xigmad leh oo ay ka buuxaan caqli iyo waxgarasho oo doonaya inuu Rabbiga guri u dhiso iyo guri ay boqortooyadiisu leedahay.
Curam aggiunse: «Benedetto sia il Signore, Dio d’Israele, che ha fatto i cieli e la terra, perché ha dato al re Davide un figlio saggio, pieno di senno e d’intelligenza, il quale costruirà una casa per il Signore e un palazzo reale per sé!
13 O o haddaba waxaan kuu soo diray nin saanac ah oo waxgarad miidhan ah kaasoo ah Xuuraamaabbii.
Io ti mando dunque un uomo abile e intelligente, Curam-Abi,
14 O o isaga waxaa dhashay naag reer Daan ah oo aabbihiisna wuxuu ahaa nin reer Turos ah. Isagu wuxuu yaqaan sancada dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta, iyo dhagaxa, iyo alwaaxda, iyo guduudka, iyo buluugga, iyo dharka wanaagsan, iyo casaanka, oo weliba wuxuu yaqaan inuu xaradh cayn kasta ah xardho iyo inuu wax kasta hindiso; haddaba isaga meel ha laga dhex siiyo raggaaga saanacyada ah iyo sayidkayga Daa'uud oo aabbahaa ah raggiisa saanacyada ah.
figlio di una donna della tribù di Dan e di padre di Tiro, il quale è abile a lavorare l’oro, l’argento, il bronzo, il ferro, la pietra, il legno, la porpora, il violaceo, il bisso, lo scarlatto. Inoltre sa fare ogni sorta di lavori d’intaglio ed eseguire qualsiasi lavoro d’arte gli si affidi. Egli collaborerà con i tuoi artisti e con gli artisti del mio signore Davide, tuo padre.
15 H addaba sarreenkii iyo shaciirkii, iyo saliiddii iyo khamrigii aad ka hadashay noo soo dir, sayidkaygiiyow.
Ora dunque mandi il mio signore ai suoi servi il grano, l’orzo, l’olio e il vino di cui egli ha parlato;
16 O o annana in alla intaad u baahan tahay oo alwaax ah ayaannu Lubnaan kaaga soo jaraynaa; oo Yaafaa xaggeeda ayaannu badda kuu soo sabbaysiinaynaa, markaasaad Yeruusaalem u qaadan doontaa.
noi, dal canto nostro, taglieremo del legname del Libano, quanto te ne occorrerà; te lo spediremo per mare su zattere fino a Iafo, e tu lo farai trasportare a Gerusalemme».
17 M arkaasaa Sulaymaan wada tiriyey shisheeyayaashii dalka Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu u tiriyey sidii aabbihiis Daa'uud u tiriyey oo kale, oo waxay noqdeen boqol iyo saddex iyo konton kun iyo lix boqol oo qof.
Salomone fece fare il conto di tutti gli stranieri che si trovavano nel paese d’Israele e dei quali già Davide suo padre aveva fatto il censimento. Se ne trovarono centocinquantatremilaseicento.
18 O o wuxuu iyagii ka dhigay toddobaatan kun oo xammaal, iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha geedo ka jara, iyo saddex kun iyo lix boqol oo nin oo dadka u taliya oo shuqulka u dira.
Ne prese settantamila per portare pesi, ottantamila per tagliare pietre nella montagna e tremilaseicento per sorvegliare e far lavorare il popolo.