W aayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan cabsi kaaga dhigi doonaa nafsaddaada iyo saaxiibbadaa oo dhanba. Iyana waxay ku dhiman doonaan seefta cadaawayaashooda, oo indhahaaguna taas bay arki doonaan. Oo dadka dalka Yahuudah oo dhanna waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuxuu iyaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysan doonaa ilaa Baabuloon, oo seef buu ku layn doonaa.